Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa hay’addii ugu horreysay ee dowladda oo hesha shahaadada ISO.

Si loo helo Shahaahada ISO, HIQ waxay martay hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran.

“Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qaadaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab maamulka taysan. Waxay muhiim u tahay hirgelinta qorsheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.” Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.

“Go’aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalamiga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga go’antahay fududeynta iyo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo Muqdisho keentay eedeysanayaal laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud

Iyadoo la fulinayo amarka Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad...

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah (TICA)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...