Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa heshay Shahaadada ISO 9001:2015, taasoo ka dhigeysa hay’addii ugu horreysay ee dowladda oo hesha shahaadada ISO.

Si loo helo Shahaahada ISO, HIQ waxay martay hanaan qiimeyn ah oo ay ku jiraan horumarinta hab maamulka tayeysan, baaris iyo dib-eegis dukumentiyada habka maamulka iyo qiimeyn guud oo dhammeystiran.

“Farxad gaar ah ayay noo tahay inaan guddoono shahaadadan caalamiga ee ISO, tanina waxay ka tarjumeysaa balanqaad joogto ah oo ay HIQ ku qaadaneyso dhaqamada ugu wanaagsan ee hab maamulka taysan. Waxay muhiim u tahay hirgelinta qorsheyaasha kor loogu sii qaadaayo hay’adda iyo soo bandhigidda isbeddel weyn oo ku yimaada hababka shaqada.” Ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HIQ, Md. Mustafa Yaasiin Sheekh, oo soo dhaweeyay guushan.

“Go’aanka aan ku buuxinay shuruudaha caalamiga ee Hab Maamulka Tayeysan waxay muujineysaa sida ay nooga go’antahay fududeynta iyo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojidda dalka.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...