Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose.
Wafdigan oo ay qayb ka ahaayeen Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Jubbaland mudane Axmed Naaji Xaaji Cabdullaahi iyo agaasimaha horumarinta adeega waxbarashada Mukhtaar Cabdi Cismaan ayaa waxaa deegaanaka ku soo dhaweeyay gudoomiyaha deegaanka Janaa Cabdalle iyo Saraakiil ciidan.
Ujeedada socdaalka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ee deegaanka Janaa Cabdalal ayaa ahayad dhiirigalin uu ugu tagay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugan Deegaanka Janaa Cabdalla iyo dhagax dhigga xarun waxbarasho oo loo dhisayo dadka Deegaanka Janaa Cabdlle, taas oo waqtigan muhiim u ah bulshada deegaanka.