Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo howlo shaqo u jooga dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka dalka Ciraaq Mudane Dr. Shakhwaan Cabdallah Axmed.

Kulanka labada Guddoomiye oo ahaa mid u ah muhiim Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ahaa xildhibaano ka kala socday labada dal waxaa ku weheliyay danjiraha dalka Soomaaliya ee uu fadhiya Ciraaq Amb. Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).

Mas’uuliyiinta waxay muujiyeen sida uu ugu faraxsan yihiin kulankan iyo soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay, isagoo sidoo kale ka hadlay mawduucyo dhowr ah iyo arrimaha danta guud oo ay ugu horreyso sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada Baarlamaan si loo adkeeyo wada shaqeynta.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Xarunta Baarlamaanka Ciraaq, isagoona u muujiyay in Soomaaliya ay tahay dalkooda labaad, waxaana uu tilmaamay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada shacab iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya, waxaana uu uga mahadceliyay sida uu u soo ajiibay qabsoomidda Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo shalay ka furmay islamarkaana lagu soo gabagabeeyay Baqdaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...