Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa markii Tobanaad Maanta magaalada muqdisho soo gaarsiisay 10 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaallada culus ee ka socda Magaalada Lascanood ee xarunta gobolka Sool.
Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad aad u liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagay Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Musiibooyinka SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle , Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde, Xildhibano katirsan labada aqal, iyo Madax sare oo Hey’adda SODMA ka socday.
DAAWO WARBIXINTAAN OO DHAMESTIRAN.