๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ณ๐—ถ๐—ธ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐˜…๐—ฎ๐—ด๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shir looga hadlayo dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee dhinaca fikirka, taasi oo qayb ka ah qorshaha dowladdaย  oo ah inย  Khawaraijta lagala dagaallamo 3 jiho oo kale ah dhaqaalaha, fikir iyo dagaalka tooska ah ee ka socda gobolladda dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qaabkii Khawaariijta looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga la saarayo sidii wacyigalinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka, isla markaana dadka looga wacyi galinayo fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul goโ€™ ay sababeen roobab ka daโ€™ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...