Ra’iisul Wasaare Xamse oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan

Date:

Muqdisho, Feberaayo 21, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo fursadaha iyo caqabadaha horyaal Bangiyada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadden horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta mideysan ee qaranka oo faa’iido u leh maaliyadda dalka. Isagoo xusay in dhaqaalaha dalku uusan horumar sameyn karin haddii aan la helin bangiyo la aamini karo.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqa in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana la meelmariyey sharuucdii hageysey hawlaha bangiyadu qabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay dagaal saddex jiho ah kula jirto Khawaarijta, sidaas darteedna ganacsatada Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay kaalintooda qaataan, gaar ahaan ka hortagga lacagaha danbiyada lagu galo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha Soomaaliyeed, si ay ugu adeegaan dadweynaha gobolka oo u baahan furdooyin ay kawaaridaan ganacsigooda.

Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo ay xubno ka yihiin 13 bangi oo gaarka loo leeyahay, ruqsadna ka haysta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa la aasaasay sannadkii 2016.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...