Lix ruux oo ku dhintay dhulgariir Mar kale ka dhacay Dalalka Turkiye iyo Syria

Date:

Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Turkiga ee Hatay iyo waqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof,halka uu dhaawac soo gaaray boqolaal.

Dhulgariirkaan cusub,ayaa laga dareemay dalalka Suuriya, Israel, Ciraaq, Lubnaan iyo Falastiin, sida ay sheegtay warbaahintu.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay in 294 qof ay ku dhaawacmeen dhulgariir dhacay fiidnimadii xalay .

Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhaawacmeen magaalada Xalab, halka duqa magaalada Hatay uu sheegay in tiro dhismayaal ah ay dumeen, isla markaana ay ku jiraan dad rayid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...