Lix ruux oo ku dhintay dhulgariir Mar kale ka dhacay Dalalka Turkiye iyo Syria

Date:

Dhulgariir kale oo cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Turkiga ee Hatay iyo waqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof,halka uu dhaawac soo gaaray boqolaal.

Dhulgariirkaan cusub,ayaa laga dareemay dalalka Suuriya, Israel, Ciraaq, Lubnaan iyo Falastiin, sida ay sheegtay warbaahintu.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay in 294 qof ay ku dhaawacmeen dhulgariir dhacay fiidnimadii xalay .

Wakaaladda wararka ee Suuriya ayaa sheegtay in lix qof ay ku dhaawacmeen magaalada Xalab, halka duqa magaalada Hatay uu sheegay in tiro dhismayaal ah ay dumeen, isla markaana ay ku jiraan dad rayid ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...