Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kawada magaalada Addis-ababa

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenyain Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan lagu xoojinayo wada shaqaynta Booliiska iyo Shacabka

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga...