Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kawada magaalada Addis-ababa

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Kenya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dalkiisu ay si buuxda u taageerayaan ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoona tilmaamay in dalkiisa ay saameyn toos ah ku yeelanayso xaaladda Soomaaliya, muhiimna ay u tahay xasilloonida Gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa Dalka Kenyain Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...