[DAAWO+SAWIRO] Rš—®’š—¶š—¶š˜€š˜‚š—¹ š—Ŗš—®š˜€š—®š—®š—æš—² š—«š—®š—ŗš˜€š—²: š—«š˜‚š—øš˜‚š˜‚š—ŗš—®š—±š—±š˜‚ š˜„š—®š˜…š—®š˜† š˜…š—¼š—¼š—“š—“š—® š˜€š—®š—®š—æš—®š˜†š˜€š—®š—® š—“š—®š—æš˜€š—¼š—¼š—æ š—°š—®š—±š—±š—®š—®š—¹š—®š—± š—øš˜‚ š—±š—µš—¶š˜€š—®š—» š—¼š—¼ š—øš—® š—µš—¶š—æš—“š—®š—¹š—® š—“š—¼š—¼š—Æš—®š—µš—® š—¹š—® š˜…š—¼š—æš—²š—²š˜†š—²š˜†

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qabaan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteenĀ  Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoorĀ  oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...