Madaxweynaha Eritrea oo Mareykanka ku eedeeyay inuu taageerayay TPLF

Date:

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa dowladda Mareykanka ku eedeeyay inay taageereen fallaagadda Tigray ee qaybta ka ahayd collaadii muddada labada sanada ahayd ka socotay dalka Itoobiya.

 

Wareysi uu Axaddii siiyay wargays maxalli ah ayuu madaxweynaha ku sheegay in dowladda Mareykanka ay riixaysay heshiiskii ay dhawaan gaareen TPLF iyo dowladda si aysan fallaagada Tigray ugu fashilmin dagaalka.

 

Heshiiska oo lagu gaaray dalka Koonfur Afrika bishii Novembar ee sanadkii la soo dhaaday, ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo lay ku dhinteen kummanaan qof halka malaayiin kale ay ku barakeen..

 

Mr Isaias, ayaa sidoo kale markii ugu horreysay qiray in boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen dagaalkaas, inkastoo uusan faahfaahin ka bixinin tirada dadka u dhashay Eritrea ee ku wax yeeloobay dagaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...