Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo magaalada Dubai kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada

Date:

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta kaga qayb-galaya Shirweyne Caalami ah oo  looga hadlayo kobcinta awoodda dhallinyarada iyo ka qayb-galkooda xukunka.

Shirweynahan oo ay ka soo qayb-galeen wufuud gaaraysa 4000 oo xubnood kana kala socda 150 dal ayaa ka kooban  22 madal oo mid walba dood gooni ah lagu soo bandhigayay.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud oo ka qayb-galay madal gaar ah oo ay lahaayeen wasiirrada Dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta ayaa diirradda lagu saarayay ilaalinta luuqadda iyo firka dowladaha carbeed, waxaa sidoo kale laga dooday fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada dunida Carabta iyadoo Wasiir Maxamed Barre uu soo bandhigay fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo shirka ka caddeeyay in dhalinyaradu ay tahay awoodda ugu badan ee Soomaaliya ay ku tiirsantahay dhinacyada horumarka ammaanka,  dhaqaalaha iyo Hal-abuurka casriga ah intaba, wuxuuna caddeeyay in dadka ka yar da’da 35 jirka ay gaaryaan 80% taasoo ah fursad aysan haysan dunida inteeda badan.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay ku hawllantahay in meesha laga saaro dhammaan qodobada caqabada ku ah ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada si looga faa’iidaysto awooddooda.

Xubnaha wafdiga ee wasiirka ku weheliyay shirkan waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye oo isna ka qayb-galay doodo la xiriira sidii farsamo ahaan loo jihayn lahaa dhallinyarada dunida Carabta iyo Eng Fahad Cali Xasan oo ah la-taliyaha Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...