Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray xarun cusub oo ay waaxda Dad-dhigista ee Dowladda Hoose Xamar ka hirgalisay Degmada Wadajir

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo ay waaxda Dad-dhigista ee Dowladda Hoose Xamar ka hirgalisay Degmada Wadajir, taas oo loogu adeegi doono Degmooyinka qeybta Galbeed.Xarigjarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale oo uu Wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir waxa uu kormeeray xafiisyada ay Xaruntan ka kooban tahay, isagoo warbixin ku saabsan adeegyada ay bixin doonto ka dhageestay Agaasimaha Waaxda Dad-dhigista ee Dowladda Hoose Xamar Cabdirashiid Waddaad-Yare, oo sheegay in xaruntan ay saldhig u noqon doonto Degmooyinka Qeybta Galbeed, islamarkaana ay ka qaadan doonan adeega la xariira warqadaha Dhalashada iyo Sugnaanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...