Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Date:

Muqdisho(SNTV):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa kaas oo goordhaw ka furmayo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in uu Maanta jiro Kulanka Golaha Shacabka, isla markaana ajandayaasha Maanta kulanka ay yihiin:.

  1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
  2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Korantada

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa la filayaa in kulanka maanta ku ansixiyaan Hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Korantada oo maalmihii la soo dhaafay xilidhibaanadu dood adag ka yeesheen

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...