Xoghayaha Guud ee Gobalka Mudug ahna ku simaha Guddoomiyaha Gobalka Maxamed Cali Qoobcad oo ay wehliyeen masuuliyiin ka socotay Wasaarada Gar gaarka iyo maareeynta masiibooyinka Galmudug ayaa Maanta Xariga ka Jaray Xafiiska Qeybta Barakacyaasha iyo Samafalka Gobalka Mudug .
Xoghayaha Gobolka mudug ahna ku simaha gudoomiyaha Gobalka mudug Maxamed Cali ayaa ugu baaqay Cid kasta oo ka shaqeeysa arimaha samafalka gobalka mudug in ay la shaqeeyaan madaxda Qeybta barakacayaasha iyo samafalka Gobalka mudug