Waxaa Maanta oo Jimco ah Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2

Date:

Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay qaar kamid ah eheladooda iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Dalkeena Danjire Axmed Jumca Al-Rumaythi.

Dhaawacyada lagu soo daweeyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee maanta Dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin markasta walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in qaar kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe 2 ay weli ku jiraan isbitaalada Dalka Imaaraadka, kuwaasi oo marka ay dhameystaan ​​daweyntooda ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah ee ka taageera arrimaha gargaarka bini’aadantinimada iyo horumarinta, waxayna mar walba gacan ka geystaan daaweynta walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaawacma qaraxyada kooxa argagixisadu ka geystaan ​​Dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...