Waxaa Maanta oo Jimco ah Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2

Date:

Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe 2 kadib markii lagu soo daweeyay isbitaallada Dalka aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta.

Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay qaar kamid ah eheladooda iyo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Dalkeena Danjire Axmed Jumca Al-Rumaythi.

Dhaawacyada lagu soo daweeyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee maanta Dalkooda hooyo dib ugu soo laabtay ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka sida ay u garab taagan yihiin markasta walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in qaar kale oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe 2 ay weli ku jiraan isbitaalada Dalka Imaaraadka, kuwaasi oo marka ay dhameystaan ​​daweyntooda ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya saaxiibka dhaw la ah ee ka taageera arrimaha gargaarka bini’aadantinimada iyo horumarinta, waxayna mar walba gacan ka geystaan daaweynta walahooda Soomaaliyeed ee ku dhaawacma qaraxyada kooxa argagixisadu ka geystaan ​​Dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...