XFS Iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku bogaadiyay Culumada Soomaaliyeed sida ay u caddeeyeen go’aankooda la dagaallanka Khawaarijta

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casho sharaf ugu sameeyay Culuma’udiinka Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed ee maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo uu kasoo qeyb galay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Xildhibaano, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Odiyaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Rugta Ganacsigaiyo marti sharaf kale.

Khudbado aad u qiimo badan oo munaasabada laga jeediyay ayaa lagu boogaadiyay doorka Culumada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo u iftiiminka bulshada Soomaaliyeed ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee Khawaarijta ugu been sheegtaan diinteena suuban.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...