XFS Iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku bogaadiyay Culumada Soomaaliyeed sida ay u caddeeyeen go’aankooda la dagaallanka Khawaarijta

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casho sharaf ugu sameeyay Culuma’udiinka Soomaaliyeed ee ka qayb gashay Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed ee maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo uu kasoo qeyb galay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Xildhibaano, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Odiyaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Rugta Ganacsigaiyo marti sharaf kale.

Khudbado aad u qiimo badan oo munaasabada laga jeediyay ayaa lagu boogaadiyay doorka Culumada Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyo u iftiiminka bulshada Soomaaliyeed ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee Khawaarijta ugu been sheegtaan diinteena suuban.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax...

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi),...

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...