Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddiga Walidiinta Ciidanka Tababarka ku soo qaatay dalka Ereteriya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku qaatay Dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, isla marka ay soo dhameystaan tababarooda si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii, taas oo daweysay tabashada iyo walwalka ay qabeen, waxa ayna muujiyeen faraxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...