Guddiga  Gaadiidka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BFS oo kulan la qaatay Shirkadaha adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho

Date:

Guddiga  Gaadiidka, Garoomada, Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BFS  ayaa maanta kulan wadatashi la qaatay  oo kusaabsan Hindese-sharciyeedka Korantada Qaranka shirkadaha adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho iyo kuwa ka yimid Maamul Goboleedyada dalka.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa shirka furay, isaga oo umahad celiyay, xubnaha gudiga, shirkada adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho iyo kuwa ka yimid Maamul Goboleedyada dalka iyo shirkadaha adeega solarka bixiya,

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale aad u faahfaahiyey ujeedada wadatashiga iyo muhiimada hindise sharciyeedka korantada qaranka u leeyahay dalka.

Sidoo kale intii dooddu socotay, Shirkadaha adeeg bixiyayaasha koranta dalka ayaa aad uga dooday muhiimadda uu sharcigani dalka u leeyahay sidoo kalena soo gudbiyey qodobbada ay doodda qabaan iyo talo soo jeedintoodaba.

Shirka ayaa sii socon doona iyadoo lagu martiqaadayo macaamiisha korontada ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...