Guddiga  Gaadiidka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BFS oo kulan la qaatay Shirkadaha adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho

Date:

Guddiga  Gaadiidka, Garoomada, Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BFS  ayaa maanta kulan wadatashi la qaatay  oo kusaabsan Hindese-sharciyeedka Korantada Qaranka shirkadaha adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho iyo kuwa ka yimid Maamul Goboleedyada dalka.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa shirka furay, isaga oo umahad celiyay, xubnaha gudiga, shirkada adeegyada korantada bixiya ee Muqdisho iyo kuwa ka yimid Maamul Goboleedyada dalka iyo shirkadaha adeega solarka bixiya,

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale aad u faahfaahiyey ujeedada wadatashiga iyo muhiimada hindise sharciyeedka korantada qaranka u leeyahay dalka.

Sidoo kale intii dooddu socotay, Shirkadaha adeeg bixiyayaasha koranta dalka ayaa aad uga dooday muhiimadda uu sharcigani dalka u leeyahay sidoo kalena soo gudbiyey qodobbada ay doodda qabaan iyo talo soo jeedintoodaba.

Shirka ayaa sii socon doona iyadoo lagu martiqaadayo macaamiisha korontada ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...