Ciidamada Amniga ayaa soo gabagabeeyay weerar koox Khawaarij ah ay kusoo qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

Date:

Maanta ayaa koox ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah waxay soo weerareen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir

Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.

Weerarka Khawaarijta  waxaa ku shahiiday 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan.

Dowladdu waxay u tacsiyaynaysaa muwaadiniinta halkaas ku shahiiday iyada oo Allah uga baryaysa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay.

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...