Zelenesky oo xulafadiisa ugu baaqay taageero hub oo degdeg ah iney dalkiisa la soo gaaraan

Date:

Madaxweyne Zelenesky ayaa ku baaqay in dalkiisa si degdeg ah loola soo gaaro tangiyada iyo hubka culus, xilli ay ugu yaraan 50 dal oo xulfa la ah Ukraine ay kulan ku leeyihiin dalka Jarmalka.

Ka hor inta uu Zelenesky uu farriintiisa jeedinin, Xoghayaha Gaashaandhiigga Mareykanka Lloyd Austin, xulfada Ukraine wuxuu u sheegay in la joogo xilligi la qaadan lahaa go’aan xasaasi ah maadaamaa dalka Ukraine xaaladdiisu ay mareyso meel xasaasi ah.

Wuxuuna sheegay Ruushka inuu dib uu iisu qaabaneeyo, ciidamadiisuna uu dib u qalabeynayo.

Mareykanka iyo Jarmalka waxaa saaran cadaadis ah iney taangiyo ku deeqaan dalka Ukraine iyada oo ilaa iyo hadda ay UK oo keli ah taangiyo ku deeqday Kyiv.

Madaxweynaha Ukraine Viladmir oo farriin muqaal ah u soo jeediyey kulankaasi wuxuu sheegay inuu jirin wakhti kale oo la luliyo.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...