Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda, kaas oo looga hadlay dhowr qodob ku saabsan horumarrinta Caasimadda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka ilaalinta Deeganka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad-Sugidda, Agaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Qodobada looga hadlay Shirka Degmooyinka waxaa kamid ahaa dardargalin Sugida Amniga, fulinta baaqii Madaxweynaha JFS ee la xariiray barnaamijka ‘Garanwaa’ oo lagu hubinayo badqabka iyo amniga qoysaska, horumarrinta Nadaafada, la dagaalanka Maandooriyaha, Buracada iyo kor u qaadida Kobaca Dhaqaalaha.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shirka kadib warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada Kaxda oo uu shirka ku qabsoomay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...