Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda, kaas oo looga hadlay dhowr qodob ku saabsan horumarrinta Caasimadda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka ilaalinta Deeganka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad-Sugidda, Agaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Qodobada looga hadlay Shirka Degmooyinka waxaa kamid ahaa dardargalin Sugida Amniga, fulinta baaqii Madaxweynaha JFS ee la xariiray barnaamijka ‘Garanwaa’ oo lagu hubinayo badqabka iyo amniga qoysaska, horumarrinta Nadaafada, la dagaalanka Maandooriyaha, Buracada iyo kor u qaadida Kobaca Dhaqaalaha.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shirka kadib warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada Kaxda oo uu shirka ku qabsoomay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...