Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Baydhaba ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku howlan sidii uu hannaan loo wada dhanyahay ugu furmilahaa Shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa goordhow furidoona Shirkan oo ay ka qayb galidoonaan Madaxda sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta, wax garadka iyo qaybaha bulshada deegaanka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyah Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirkan oo ay ku adkeeyeen muhiimad deegaanka iyo dalkaba u leeyahay qabsoomidda Shirkani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...