Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo qaabilay oo wafdi ka socday Hey’adda IOM

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socday Hey’adda IOM oo uu Hogaaminayay Mr. Bradley David.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeeynta ka Dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo IOM, gaar ahaan Mashaariicda IOM iyo World Bank ay ka fulinayaan Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Kaxda, Garasbaley iyo Dayniile.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda IOM ayaa isla qaatay in la dardar galiyo hawlaha dib u dajinta iyo taageerada Barakacayaasha ku nool Degmooyinkaas, iyo in la abuuro jawi wada shaqeyn isla markaana la joogteeyo qeybaha farsamada ee fulinta Mashaariicdaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...