Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka isagoo warbixin la xiriirta xaaladda barakaca dalka iyo qorsheyaasha Hay’adda u deggan ka dhageystay mas’uuliyiin ay hoggaamineyso guddoomiyahooda Aamina Saciid.

 

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu Hay’adda ku adkeeyey in howlaha hortabintu leh ay noqdaan sidii looga jawaabi lahaa baahida ilaa 2.97 milyan oo barakacyaal Soomaali ah isaga oo intaa raaciyey in Wasaaraddu ahmiyad gaar ah siineyso wax kaqabashada xaaladda Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

 

 

 

 

Shirka kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa u kuurgalay habka diiwaangelinta Baracayaasha isaga oo booqday goobaha ay ka socoto diiwaangelintoodu.

   

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...