Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaallada dalka Ukraine

Date:

Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Japan, Ambassador Kimihiro Ishikane ayaa ku dhawaaqay in bishan January 13-da la qaban doono Shir looga hadli doono Ammaanka iyo Nabadda ee dalka Ukraine.

Xubnaha Golaha Amaanka ee QM waxaa ku adkaan doonta inay Go’aan Mideysan ka gaaraan Xal-u-helida Colaada Ukraine.

Dowladda Raashiya oo daraf ka ah Colaadaasi kama debci doonaan Mowqifkooda, waxayna ganafka ku dhufan doontaa Codeyn kasta oo ka soo baxa Kulankaasi.

Dowladda Raashiya waxay adeegsan doontaa Awoodda Diidmada Qayaxan (Veto Power), maadaama ay Raashiya ka mid tahay Shanta dal ee ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ee leh Awoodda ay ku laali karaan Go’aan kasta oo ay u arkaan inuusan ku jirin Danaha Dadkooda iyo Qarankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...