Xabad joojintii uu Putin ku dhawaaqay ee dhagaha laga fureystay

Date:

Xabbad-joojintii uu Ruushku ku dhawaaqay ee Ukraine ayaa dhammaatay inkastoo wararku sheegayaan in muddadaas soddon iyo lix saacadoodka ahba uu weerarka kala duwan ka socday qeybo kamid ah Ukraine.

 

Duqeymo hore leh ayaa weli ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, saraakiisha Ukraine waxay shegeen in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay magaalada Kharkiv.

 

Sidoo kale qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalooyinka Zaporizhzhia iyo Melitopol ee dhaca waqooy bari dalkaas.

 

“Holaca” ka dhashay madaafiicda ayaa kuu sheegaya inaad ku dhowdahay mid ka mid ah qaybaha ugu halista badan ee jiidda hore ee bariga Donbas ee Ukraine.”

 

Waxa ay sidoo kale muujinayaan in xabad joojinta 36-ka saac ee uu Ruushka ku dhawaaqay ay tahay magac kaliya ah.

 

“Waxay ballan qaadeen inuu jiri doonto xabad joojin, laakiin ma taasi aragno mana dareemayno,” ayuu yiri Oleksandr, oo ah askari ka tirsan ciidamada Ukraine.

 

Wax yar ka dib , madfac ayaa ku soo dhacay meel 50 mitir u jirta meesha uu ka hadlayo Oleksandr.

 

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in soo jeedinta Vladimir Putin ee xabbad joojinta lagu xusayo ciidda kirismaska ​​ee madhabta Orthodox ay khiyaano ahayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DAAH-FURAY MASHRUUCA DHALLINYARADA IYO NABADDA

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo...

Dood wadaag ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyeynta iyo dagaalka khawaarijta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro, xildhibaano iyo ururada bulshada ayaa muqdisho uga qeybgalay...

‘Azerbaijan waa dal aan ka baran karno casharo horumar dhaqaale’ (WARBIXIN).

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay cutub...

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad oo ka qeyb galay munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta Baasaboorka Soomaaliga ah

Ra’isul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi...