?????? ?????? ?? ?????? ??????????? oo ?????? ???????? ?? ??????

Date:

Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalay Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoomiyay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud kaasi oo maanta ka furmay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa shirkan uga wada hadli doona nidaam garsoor oo federaal ah iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, kuwaasi oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii ku soo baxay warmurtiyeedkii Madasha Qaranka 3-aad ee lagu qabtay Muqdisho bishii Sebteembar.

Inta uu socdo shirka Golaha Wadatashiga waxaa madaxdu ay iska wareysan doonaan xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaariijta ah oo guulo waaweyn laga soo hooyay.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...