Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

Date:

Muqdisho, December 10, 2022:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka, ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka, ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan Xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada. Isagoo ugu baaqay dhallinyarada weli ku taagan fekerka ciriiriga ah ee argagixisada in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...