Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka

Date:

Muqdisho, December 10, 2022:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka, ayaa tilmaamay in shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul insaanka.

Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa sanad kasta loo dabaal-degaa 10-ka December, taas oo ku aadden markii Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, sanadkii 1948-dii.

Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda gobollada dalka, ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay mid lagu raadinayo xaquuqda aadanaha, maadaama ay khawaarijtu ka hor istaageen dadka Soomaaliyeed xuquuqdii ay lahaayeen, una diidan yihiin nolosha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada iyo xubnaha ka tirsan Xukuumadda ee u taagan furinta dagaalka ciribtirka argagixisada. Isagoo ugu baaqay dhallinyarada weli ku taagan fekerka ciriiriga ah ee argagixisada in dadkooda ay dib ugu soo laabtaan, kana toobad keenaan ficilladooda khaldan inta ay weli fursadda haystaan.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro,ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...