Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Maanta Safar dhanka Dhulka ah ku tagay Degmada Moqokori

Date:

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Hiirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay Degmada Aadan yabaal ayaa soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan la xureeyay waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhoweeyeen bartamaha Magaalada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay bushada qiimaha ee sida diiran ugu soo dhoweeyay Magaalada waxa uuna bogaadiyay bulshada deegaankaan iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo khawaarijta cadowga ah ka xureeyay degmada.

Madaxweynaha ayaa xusay in maanta wixii ka dambeeya moqokari ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle isagoo furay Wasiirka Arrimaha Dowladda Hirshabeelle in deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ka shaqeyn doonto horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo hagaajinta ceelasha waxa uuna bulshada degmadaan ugu baaqay inay usoo baxaan ciribtirka kooxda khawaarijta alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...