Golaha Wasiirada Galmudug oo Ansixiyay Degmooyin Cusub.

Date:

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxaha argagaxisada ah looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah
1- Dhabad
2- Galinsoor
3-Bandiiradley
4- Afbarwaaqo
5- Ceelguula.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaan Buraale “Furinta waxaan u joogaa in aan dhinto ama aan sharaf soo hooyo.”

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaanada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Guddoomiyaha...

Guddoomiyaha cusub ee G.Banaadir oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir guddoomiyey kulanka hoggaannada Amniga

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...