Golaha Wasiirada Galmudug oo Ansixiyay Degmooyin Cusub.

Date:

Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug.Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.iyo howlgaladii u danbeeyay ee kooxaha argagaxisada ah looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa Golaha hor keentay hindise sharciyeed lagu dagmeynayo deegano ay wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah
1- Dhabad
2- Galinsoor
3-Bandiiradley
4- Afbarwaaqo
5- Ceelguula.
Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, ayadoona lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...