Gudoomiyaha hayadda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle oo kulan la qaatay wakiilka Ururka iskaashiga islaamka u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Gudoomiyaha hayadda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Ururka iskaashiga islaamka u qaabilsan Soomaaliya H.E Amb: Mohamed Bamba Mohamed Boba.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta ururka iskaashiga islaamka ee magaalada Mogadishu ayaa waxaa looga hadlay dowrka dalalka ku bahoobay ururka islaamka ee la tacaalida arimaha abaaraha

 

Gudoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa ugu horeyn safiiirka warbixin ka siiyay xaalada abaaraha iyo dadaalada socdo ee wax looga qabanaayo waxaa uu sidoo kale kaga mahadceliyay Dowladaha islaamka ee ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda maadama dalka uu wili ku jiro xaalad binaadanimo oo adag.

 

Dhankiisa Danjire Mohamed Bamba Mohamed Boba ayaa balan qaaday in ay ka goantahay sii wedida garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...