Madaxweyne Xasan oo Booqday Ciidanka Cirka Ee lagu Tababaray Ereteriya.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo horumarka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...