Madaxweynaha Puntland oo dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad lagu soodhaweynayey taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Date:

Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, Xildhibaanka Degmada Kamakunji ee Xaafadda Islii Mudane Yusuf Xasan, Xildhibaano heer Federaal iyo Heer Puntland ah, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo  Wakiilka Puntland ee Kenya, qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya sida Ganacsatada, Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS oo ka qeybgalay Madasha Wasiiradda Beeraha adduunka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS qeybgalay shir heer Wasiirro ah oo dalalka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...