Qoysas abaaraha Sameen ku yesheen oo Gaalkacyo Raashin loogu qeybiyey

Date:

Sideed Boqol Qoys oo isugu jira qoysas abaaraha kusoo xoola beelay iyo kuwa ay soo dhibaateeyeen kooxda khawaarijta Al-Shabaab iyo Naafada magaalada Galkacyo ayaa maanta la gaarsiiyay deeq raashin Gar-gaar ah oo ka timid Hay’adda Boqor Salmaan taas oo qeyb ka ah deeqo la qorsheynayo in la gaarsiiyo ilaa afar kun oo qoys oo ku nool deegaanada Galmudug .

 

 

Qeybinta deeqda oo ay iska kaashanayaan Wasaarada Garr-gaarka Galmudug iyo hay’adda Tadaamun ayaa ugu horeyn ka warbixiyay masuuliyiintii ka socatay  Hey’adda Tadaamun .

 

Qaar ka mida xubnihii ka socday qoysaskii ka faa’ideystay oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa iyaguna xusay in ay baahi weyn u qabeen.

 

 

 

Labo boqol oo qoys oo ku nool dagmada wisil oo ka mida deegaanada jabka iyo halaaga ay kala kulmeen nabadiidka al shabaab ayaa sidoo kale la gaarsiiyay deeqda ka timid Hay’adda Boqor salmaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...