RW Hamse Abdi Barre oo qaabilay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay madaxda hey’adda taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar taageerada ay siiyaan haweenka iyo gabdhaha.

Dhinaceeda ayaa Agaasimaha, Dr Kanem waxa ay sheegtay inay taageersan tahay aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee ah in iyada oo la isticmaalayo waxbarashada iyo dhaqaalaha kor loogu qaado doorka haweenka iyo gabdhuhu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, taasi oo ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahayd Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...