RW Hamse Abdi Barre oo qaabilay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay madaxda hey’adda taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar taageerada ay siiyaan haweenka iyo gabdhaha.

Dhinaceeda ayaa Agaasimaha, Dr Kanem waxa ay sheegtay inay taageersan tahay aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee ah in iyada oo la isticmaalayo waxbarashada iyo dhaqaalaha kor loogu qaado doorka haweenka iyo gabdhuhu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, taasi oo ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahayd Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galaya Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Africa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...