RW Hamse Abdi Barre oo qaabilay Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed oo maalmahaan magaalada Muqdisho ku lahaa shir ay soo agaasintay wasaaradda Duulista ee XFS.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka iyo natiijadii kasoo baxday shirkii ugu soo gebageboobay magaalada Muqdisho oo ay uga wada hadleen qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku amaanay wasiirrada wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta ayaa ku boorriyay inay joogteeyaan wadajirka si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha hortebinta leh, adeegyada dowladeed ee wasaaraduhu bixiyaanna loo gaarsiiyo dhammaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...