RW Hamse Abdi Barre oo qaabilay Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed oo maalmahaan magaalada Muqdisho ku lahaa shir ay soo agaasintay wasaaradda Duulista ee XFS.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka iyo natiijadii kasoo baxday shirkii ugu soo gebageboobay magaalada Muqdisho oo ay uga wada hadleen qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku amaanay wasiirrada wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta ayaa ku boorriyay inay joogteeyaan wadajirka si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha hortebinta leh, adeegyada dowladeed ee wasaaraduhu bixiyaanna loo gaarsiiyo dhammaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...