Ciidamo uu horkacaayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose oo la wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Khawarijta Al-shabaab

Date:

Howlgal uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax  laguna baacsanayay Maleeshiyadda Shabaab ayaa laga sameeyay  tuulooyinka Balow,Murugey, Siigoole,Moora guusha ,Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare,Culo biyoole,Gabaherig, Goobaale.oo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan.

 

 

Maleeshiyadda Shabaab ayaa iskaga cararay deegaanada uu howlgalka ka dhacay ,Ciidamada Xooga dalka, Daraawishta koonfurgalbeed ayaa howlgalka ka gacan siiyay Maamulka Gobolka.

 

 

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa  kormeer ku tagay deegaanno dhawaan ay ka dhacen  dirir u dhaxeysay beelo walala ah  iyagoo odayaasha dhaqanka aan boorinay dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Nabada.

 

 

Maamulka Degmada Wanlaweyn,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska KGS ayaa howlgalka qeyb ka ahaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbax ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Dadweynaha Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax...

Xogta Xafiiska Hantdhowrka ee hufnaanta iyo qabashada Dakhliga Dowladda

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan...