Wasiirka Caafimaadka XFS oo Caawa deeq Daawo ah kala wareegey Ganacsatada Soomaaliyeeed

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ahna Guddoomiya Guddiga gurmadka qaran ee Qaraxii Zoobe 2 oo Caawa deeq Dawo ah kala wareegey Ganacsatada Soomaaliyeeed.

Wasiirka iyo xubnaha Guddiga gurmadka Qaran ayaa 220 kartoon oo loogu tala galey gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kala wareegey Ururka Gancstada Daawaleeyeeda Soomaaliyeed oo markii labaad deeq dawo ah kaga qeyb qaadanaya gurmadka muwaadiniinta ay dhibaateeyeen Argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxyadii Zoobe Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahadceliyey Deeqdan Dawada ah ee Daawaleyda Soomaaliyeed ku caawiyeen Walaala hooda dhibaateysan isagoona Wasiirka si guud uga baaqey ganacsatada Soomaaliyeed in dadaalada ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka ay kor u qaadaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...