Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka oo kormeer ku tagtay Isbitaalka danta guud ee De martino Hospital

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen ayaa kurmeer buuxa ku tagta Isbitaalka danta guud ee De martino Uublic Hospital

Agaasimaha Isbitaalka Dr. Abdirizak Yusuf Ahmed (Jalaaludiin) ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay Isbitaalka.

Wasiiru Dowlaha ayaa si guud u indha indheeysay Isbitaalka qaybihiisa kala duwann gaar ahaan qaybaha Bukaan socotka, Shaybaarka, qeybta Emerganciga, Qeebta Hooyadda iyo Dhallaanka , Qaybta Caruurta yar-yar iyo Qaybaha kale.

Wasiiru Dowlaha ayaa waxey warbixin ka dhageysatay Maamulka Isbitaalka Dr. Abdirisaq Yusuf Ahmed (Jalalaaludin) oo ka warbixiyaay hanaanka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida ay hadda ay usocoto shaqada, waxa u si faahfaahsan u sharaxday baahiyaha hada ka jira Isbitaalka iyo caqabadaha ku horgudboon ee u baahan in laga gaaro xal dhab ah, maadaama Isbitaalku ka mid yahay Xarumaha Caafimaad ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida bilaashka ah loogu daweeyo, kaasoo ay gacanta ku heyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Isbitaalak iyo Dhamaan shaqaalaha Isbitaalka sida wanaagsan ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen xaaladaha adage ee isbitaalka soo maray iyo kuwa hada taagan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...