(SAWIRO) Wasiirka Ciyaaraha XFS oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

Date:

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland oo Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu horkacayo xubno ka tirsan bahda Sports-ka Jubbaland iyo xiriirrada ciyaaraha kala duwan ee Jubbaland.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Kismaayo u tegay si uu soo xiro tartanka degmooyinka Kismaayo oo todobaadyadii la soo dhaafay halkaas ka socday.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa xoogga saaray in la dhiirri-geliyo ciyaaraha gobolllada iyo degmooyinka si ay mustaqbalka usoo baxaan xul qaran oo gobolllada dalka ka kala yimid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...