Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka

Date:

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta  XFS  Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha 1-aad ee tayodhowrka qaranka.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay mas’uuliyadda wasaaradda ee arrimahan isaga oo yiri “ Waxaa ay mas’uuliyad  naga wada saarantahay ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed, ka wasaarad ahaan waxaan ka qeyb qaadan doonaa ulajeedooyinka loo aasaasay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

“Hey’addan waxay qaranka Soomaaliyeed u tahay difaac adag oo looga hortagi karo wax kasta oo nolosha ummaddeena halis gelin kara, gaar ahaan sidii loo hubin lahaa badeecadaha iyo dawooyinka dalkeenna soo galaaya” ayuu intaa raaciyey wasiirka arrimana gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Arimaha ugu muhiimsan ee Wasaarada iyo Hay’adda ay kawada shaqeyn karaan waxaa ka mid ah:

(1). In aan shacabka Soomaaliyeed loo keenin gargaar cuno ama daawo aan lahubin tayadooda.

(2). Iskuxirka barnaamijdka xuduuduha dalka iyo iska kaashiga hay’ada ka shaqeeya.

(3). Xiriirka iyo isku xirka maamul goboledyada dalka.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Raisulwasare Ku xigeenka XFS,Wasiiro iyo masuuliyiin katirsan XFS.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...