Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ku fulisay dil toogasho ah askarigii dilay Wasiir Cabaas Siraaji

Date:

Waxaa goor hore oo saaka ah maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.

Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...