Guddiga baaraya weerarkii 6-dii January lagu qaaday xarunta Congress-ka oo u yeeray Donald Trump

Date:

Guddida Congress-ka ee baadhaya weerarkii lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ayaa go’aan yeedhmo ah oo rasmi ah (subpoena) u diray madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, iyaga oo ka dalbanaya inuu ka markhaati furo arrimo badan oo la xidhiidha dhacdadii lagu weeraray golaha baarlamaanka si loo afgembiyo natiijada ka soo baxday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020.

Guddida oo ka kooban sagaal xubnood ayaa amarka yeedhmada ah u diray qareenada Trump, iyaga oo u sheegay in loo baahan yahay inuu marag furka ku samayn karo, inuu toos u yimaaddo aqalka baarlamaanka ee Capitol Hill ama uu ku samayn karo habka fogaan aragga, laga bilaabo bisha November 14-keeda, iyada laga yaabo in marag furku uu socon karo maalmo kale haddii loo baahdo.

Warqadda yeedhmada ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha hore laga codsaday waraaqo ama documents, oo ay ku jiraan xidhiidhka shakhsi ahaaneed ee u dhexeeya Trump iyo xildhibaano ka mida golaha congresska, iyo weliba kooxo xagjir ah. Iyaga oo sheegay in loo baahan yahay in arrimaha ku xusan dalabkan ay tahay in la soo wareejiyo inta ka horraysa bisha November 4-teeda, inkasta oo caadiyan laga wada hadli karo xilliyada ay cayimaan guddidu.

“Waxaan aqoonsannahay in go’aanka yeedhmada ah ee loo diray madaxweynihii hore inay tahay tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah,” Guddoomiyaha guddida Bennie Thompson iyo guddoomiye ku xigeenka Liz Cheney ayaa sidaas ku qoray waraaqda loo diray Trump. “Tallaabadan umaanaan qaadin si fudud.”

Guddidu waxay go’aankooda ku saleeyeen dhacdooyin taariikhi ah, iyaga oo taxay madaxweynayaashii hore, laga soo bilaabo John Quincy Adams illaa Gerald Ford, kuwaas oo ka hor markhaati furay golaha congress-ka ka dib markii ay xilka wareejiyeen, waxaana guddidu ay hoosta ka xariiqday in xataa madaxweynayaal xilka haya inay ka jawaabeen go’aan yeedhmo ah oo uga yimi golaha Congresska.

Illaa haatan ma cadda sida uu uga falcelinayo Trump iyo qareenadiisu. Wuu u hoggaamsami karaa amarkan ama kala xaajoon karaa guddida, ama wuu diidi karaa ama guud ahaanba wuu iska indho tiri karaa. Sidoo kale waxaa suuro gal ah inuu maxkamad tago oo joojiyo amarkan yeedhmada ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...