Madaxweyne Xasan oo Lakulmay Wasiirada Waxbarashada Maamulada.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee dalka ayaa kala hadlay sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa dadaallada tayeynta iyo baahinta adeegyada waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha waxbarasho ee jira iyo sidii heerarka kala duwan ee dowladda iskaga kaashan lahayeen suurta-gelinta kordhinta fursadaha waxbarashada, manhajka iyo imtixaanaadka shahaadiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka go’antahah tayeynta iyo kordhinta fursadaha waxbarasho, tirada macalimiinta iyo xarummaha waxbarashada.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah oo tahay in caruurteennu ay helaan. Waxa ay nagu tahay waajib in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal anfaca dadkeena iyo dalkeena.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgelinayo hindiseyaal lagu kordhinayo qoondada maaliyadeed ee waxbarashada, si ay fursaddo u helaan caruurta Soomaaliyeed ee gaaray da’da iskuulka iyo kuwa kale ee aan fursadaha helin una baahan tababarro dhanka xirfadaha ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka

Shirkadda difaaca Turkiga ee Bogazici Defence Technologies waxay soo...

Ciidanka NISA oo howlgal ay ka fuliyeen Afgooye kusoo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

WAR SAXAAFADEED Ciidanka gaar ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka...