Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu laayey dalka Mali

Date:

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay, tiro kale oo ka mida ciidanka ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ahi.

Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay.

Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...