Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeeyay Caasimadda Ukraine

Date:

Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca “kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

 

“Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine.

 

Duqa magaalada Vitalii Klitschko wuxuu sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha Kyiv ay qaraxyada buburiyeen.

 

Toddobaad ka hor ayay aheyd markiii caasimadda Ukraine uu Ruushka ku garaacay gantaallo taasoo qeyb ka aheyd weerarro kale oo lagu qaaday deegaanno ku yaalla Ukraine oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

 

Vitalii Klitschko wuxuu intaa ku daray in qaraxyo laga maqlay degmada Shevchenkivskiy halkaas dhowr jeer la duqeeyay toddobaadkii lasoo dhaafay.

 

Duqa magaalada Kyiv wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay gaareen goobaha ay qaraxyada saameeyeen, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay tagaan goobaha gabbaadka ah ee la isaga ilaalinayo duqeymaha.

 

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Andriy Yermak ayaa sheegay in Ukraine sida uga dhakhsiyaha badan ay u baahan tahay qalabka lidka diyaaradaha.

 

Weriye ku sugan Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in labo kamid ah diyaaradaha Drones-ka ay gantaallo ku garaaceen xarun shidaal halka mid kamid ah diyaaradahaas lasoo riday.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...