4-ka mid ah argagixisada oo lagu Dilay Shabeelaha Dhexe.

Date:

Ciidamada Qaranka   ayaa Saaka howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo-Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar dagaallame oo ka tirsan kooxda AS, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal dagaallame, hub iyo gaari ay wateen kooxdan.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay kooxdan si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan.

Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Kooxda AS ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay uga qaadaan lacago baad ah ayaa haatan waxaa laga dareemayaa isbadal.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeeralayda ah iyo ganacsatada inay hoggaansamaan isku dayada kooxdan AS ay ku doonayaan wali inay si dhuumaalaysi ah ugu boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...