Ergayga Abaaraha oo Norwey Kala hadlay Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Date:

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta magaalada Oslo kulan kula yeeshay madaxa hay’adda qaxootiga ee dalka Norwey.

Xoghaya Guud ee hay’adda Norwegian refugee council Jan Egeland iyo Ergeyga ayaa ka wada Hadley xaaladda abaarta ee Soomaaliya, iyaga oo isla soo qaaday waxa u qabsoomay labada dhinac ka gadaal kulankoodii Muqdisho ee bishii Juunyo.

Kulanka oo sidoo kale ay Goobjoog ka ahaayeen xubno ka socda wasaaradda arrimaha dibedda ayuu Ergeygu Hay’adda iyo Dowladda Noorweyba uga codsaday kor u qaadista kaalmada Dhaqaale ee Soomaaliya iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada u qareemidda arrinka abaaraha iyo horumarinta Soomaaliya.

“Qaar ka mid ah Dadka Soomaaleed waxay Wajahayaan Xaalad Adag oo ka dhalatay Abaaraha Ka jira Dalka, Caalamka iyo Hay’adaha Gargaanku Waxaan ugu Baaqanaynaa inay Qaataan doorka Badbadinta Dadka Dhibaataysn” Ayuu Yiri AAW.

Jan Egeland oo horay usoo qabtey xilalka wasiirka arrimaha debadda Norway iyo madax gargaarka bani’aadamka ee Qaramada Midoobay ayaa ballan qaadey in ay dowlad ahaan dedaal ku bixin doonaan kaalmeynta iyo u qareemidda gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...