Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Boqortooyadda Netherlands

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada The Hague ee dalka Boqortooyadda Netherlands kulan kula qaatay Marwo Vera Bergkamp oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka labada baarlamaan iyo is-dhaafsiga aqoonta ee la xirirta xildhibaannadda iyo howlwadennada baarlamaanada ladaba wadan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiintooda uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa waxa uuna la wadaagay dagaalka Dowladda Soomaaliyeed ay  kula jirto kooxda agagaxisada ee Al Shabaab iyo muhiimada ay leedahay in degaannadda laga xorreeyay kooxaha argagixisada ah la gaarsiiyo gargaar bani’aadanimo iyo adeegyada kale ee nolosha bulshada aas-aasiga u ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...