Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni  ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...